الارشيف / اخبار العراق / اليمن العربي

اخر الاخبار MD cusub oo loo magacaabay degaanka Soomaalida Itoobiya

اخر الاخبار اليوم حيث War goor dhow ka soo baxay golaha fulinta Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay iney madaxweyne cusub u magacaabeen maamulka Soomaalida Itoobiya.

Go’aankan ayaa yimid ka dib kulan ay isugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa la sheegay inuu is casilay ka dib rabshadaha khasaaraha geystay ee ka dhacay magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhaba.

Golaha Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay u Magcaabeen Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) oo ahaa wasiirkii Maaliyada Dowlad degaanka Soomaalida.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegeen in Cabdi Maxamuud Cumar looga yeeray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iscasilaadiisa kadibna halkaas ayuu u duulay.

Lama oga waxaa xaalada jirta ay ka bedeli karto isbedelka lagu sameeyey hogaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya

هذا المحتوي ( اخر الاخبار MD cusub oo loo magacaabay degaanka Soomaalida Itoobiya ) منقول بواسطة محرك بحث مصر 24 وتم نقله كما هو من المصدر ( اليمن العربي )، ولا يعبر عن وجة نظر الموقع ولا سياسة التحرير وانما تقع مسئولية الخبر وصحته علي الناشر الاصلي وهو اليمن العربي.

قد تقرأ أيضا