الارشيف / اخبار العراق / اليمن العربي

اخر الاخبار Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay

اخر الاخبار اليوم حيث Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo caan ku ahaa hal abuurka Ganacsiga.

 Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud Sheekh Cali ayaa maanta lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Difgeer, gaar ahaan agagaarka Maqaayadda Karmel.

Wararka ayaa sheegaya in koox hubeysan oo gaari watay ay toogteen Wiilka dhalinyarada ahaa, waxaana uu markii dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Maxamed Maxamuud Sheekh Cali, ayaa waxaa dhalay Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Dable Pilot, waxaa uu ahaa wiil dhalinyaro firfircoon oo madax ka ahaa shirkad ganacsi caan ku ah dhiiragelinta dhalinyarada Ganacsiga oo lagu magacaabo Startup Grind.

Allaha u naxariistee Maxamed ayaa magaalada Muqdisho ka furay goob casri ah oo lagu dhaqo dharka sida jaakadaha waa weyn.

هذا المحتوي ( اخر الاخبار Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay ) منقول بواسطة محرك بحث مصر 24 وتم نقله كما هو من المصدر ( اليمن العربي )، ولا يعبر عن وجة نظر الموقع ولا سياسة التحرير وانما تقع مسئولية الخبر وصحته علي الناشر الاصلي وهو اليمن العربي.

قد تقرأ أيضا